Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Dowladda Jubaland Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa Masuuliyiin iyo dadweyne Kala duwan salaada Ciidul Adxaa kula tukaday Masaajidka Madaxtooyada.

23
Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowlada Jubaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ahna Kusimaha Madaxweynaha Dowladda ayaa manta boqolaal kamida qeybaha kala duwan ee bulshada iyo madax kasocotay Hay’adaha kala duwan ee Dowadda Saaadda Ciidul-adxaa kula oogay Masaajidka Madaxtooyada.
Inta aanan la tukan labada rakcadood ee saladda ciida ayuu Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowladda Jubaland khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay bulshadii iyo madaxdii ku sugneed Masaajidka.
Madaxweyne kuxigeenka ayaa culumada Soomaaliyeed kula dar-darmay in bulshada Soomaaliyeed ay hogaan u noqdaan islamarkaana bidhaamiyaan dadka cadowga ah ee kuso dhex dhuunta diinteena suuban ee Islaamka, kuwaas oo uu Madaxweynuhu sheegay in aysan ogoleen nabad, diin iyo jiritaanka umadnimo intaba.