
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland, mudane Axmed Xaaji Cabdullaahi, ayaa kormeer ku sameeyay qaar ka mid ah xarumaha uu ka soconayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalka 8aad, kaas oo maraya heer gaba gaba ah.
Ujeeddada kormeerkan ayaa ahayd in lagu dhiirrigeliyo ardayda iyo howl-wadeennada u xil saaran imtixaanka, isla markaana lagu hubiyo habsami u socodka imtixaanka, iyadoo diiradda la saarayo tayada, daahfurnaanta iyo amniga imtixaanka.