
Wasaaradaha Amniga Gudaha Iyo Cadaaladda Dawladda Jubaland ayaa Dagmada Doolow Ee Gobolka Gedo ku qabtay Kulanka Billaha ah ee Bulshada iyo Bahda Caddaaladda iyo Amniga ee Degmada Doolow.
Kulanka ayaa muhiimadiisu ahayd sidii loo horumarin lahaa iskaashiga iyo is dhexgalka laamaha caddaaladda, amniga iyo Bulshada iyo in ay isu xogwaraystaan bulshaduna ay su’aalo ku weydiiso madaxda laamaha caddaaladda iyo amniga.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Degmada Doolow, Mudane Maxamed Xuseen Cabdi (Lafey), Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda cadaalada iyo Arimaha Dastuurka Mudane Cabdullahi Cabdiqadir (Qanuuni) Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Jubbaland, Mudane Saciid Maxamed Nuur, iyo bahda Cadaalada iyo Amniga Dagmada Doolow.




