Dowladda Jubbaland oo si rasmi ah u Daahfurtay Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 8-aad ee Sanad dugsiyeedka 2024/2025.

29

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Jubbaland, Mudane Cabdinaasir Seeraar, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee sanad-dugsiyeedkan.

Munaasabadda daahfurka imtixaanka ayaa ka dhacday magaalada Kismaayo, waxaana wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Kismaayo, xubno ka tirsan guddiga imtixaanaadka dowladda, macallimiin iyo masuuliyiin kale.

Imtixaanka ayaa si isku mid ah uga dhacay dhammaan deegaanada hoos yimaada Jubbaland, iyadoo ay maanta u fariisteen 5,429 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho. Ardaydan ayaa lagu wadaa inay inta uu socdo imtixaanku muujiyaan dadaal, karti iyo anshax si ay ugu gudbaan marxaladdan muhiimka ah ee noloshooda waxbarasho.

Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada, Mudane Axmed Faarax Cali (Aweys), ayaa bogaadiyay dadaalka ardayda iyo macallimiinta, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la horumariyo tayada waxbarashada ee Jubbaland.