Wasaaradda Howlaha Guud ee Jubbaland oo Tababar U Qabatay Shaqaalaha Dowladda hoose ee Kismaayo

21

Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeeynta dowladda Jubbaland ayaa tababar aqoon-is-weydaarsi ah u qabatay qaar ka mid ah shaqaalaha Dowlada Hoose ee degmada Kismaayo, shaqaalaha Wasaaradda Howlaha Guud, iyo xubno ka socday Hay’adda Dhulka Jubbaland.

Tababarkaan oo diiradda lagu saarayey habka daraaseynta suurto-galnimada mashaariicda dhismaha degmooyinka Jubbaland ayaa socon doona muddo labo maalmood ah.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeeynta Jubbaland Cabdishukri Carab, waxaana ka qaybgalayaasha la siiyay casharro muhiim ah oo ku saabsan hanaanka daraasaynta suurto-galnimada mashaariicda kala duwan, gaar ahaan dhammaan noocyada dhismayaasha kaabayaasha dhaqaalaha ee muhiimka u ah bulshada.