
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Jubaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay masuuliyiin ka tirsan hay’adaha amniga ee Dowladda Kenya.
Kulankan oo ka dhacay xerada ciidamada Kenya Defence Forces (KDF) ee Mandheera, ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay xaaladda amniga ee ka taagan xuduudda u dhaxaysa labada dal. Waxaana kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amni iyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhacdooyinka soo noqnoqday ee amni-darrada ah.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa isla gartay in la dardargeliyo wada-shaqeynta dhanka amniga si loo sugo xasilloonida deegaannada xuduudka, loogana hortago falalka amni-darrada ah ee halis gelin kara nolosha dadka deegaanka.
Kulankan ayaa sidoo kale gogol-xaar u ah shirweyne ballaaran oo la filayo inuu dhawaan ka dhaco xadka labada dal, kaas oo diiradda lagu saari doono arrimaha amniga iyo sidii nabad waarta loogu suurtagelin lahaa bulshada ku dhaqan xuduudda.
Dhinaca kale, waxaa dib loo bilaabay isku socodka ardayda u kala gooshaysa labada dhinac ee xuduudda, iyadoo weli ay socdaan wadahadallo rasmi ah oo ku saabsan furitaanka rasmiga ah ee xadka.
Dowladda Jubaland iyo masuuliyiinta ka socotay Dowladda Kenya ayaa muujiyay go’aan mideysan oo ku aaddan ilaalinta amniga, horumarinta xiriirka labada dhinac, iyo xaqiijinta nabad ku wada noolaanshaha dadka ku dhaqan xuduudka labada dal.