Madaxweyne ku xigeenka labaad Jubbaland Mudane Suldaan Cabdiqaadir oo kormeer ku tagay dhismaha wadada xiriirisa Janaay Cabdalle iyo Afmadow

0
348

Dowladda Jubbaland, oo ka duulaysa muhiimada ay leedahay horumarinta iyo isku socodka wadooyinka ee bulshada ayaa bilowday qorshe lagu dhamaystirayo wadada xiriirisa Janaay Cabdalle iyo Afmadow, taasoo horey dowladda u dhistay 13 km.

Wajiga labaad ee dhismaha wadada, oo gaarey ilaa 22 km, ayaa si isku-tashi ah waxaa u dhisaya dowladda Jubbaland iyo bulshada deegaanka, oo iskaashanaya.

Wajigani wuxuu bilaabmay iyadoo laga jaray geedaha ku xeeran wadada iyo in la saaray jayayga.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland, Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta halkaas gaaray si loo dardargaliyo wajiga labaad ee jidkan, oo muhiim u ah isu-socodka bulshada.

Ganacsatada, qurbajoogta, iyo bulshada deegaanka ayaa loogu baaqay inay kaalintooda qaataan.

Deegaanka Janaay Cabdalle wuxuu ku jiraa masaafo dhan 60 km degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow mid walba.