
Madaxweyne Ku-xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa hambalyo u diray ummadda Muslimiinta, gaar ahaan shacabka Jubaland.
Madaxweyne Ku-xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa walaac ka muujiyay xaaladda amni ee Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Gedo, oo dhowaanahan ka dhacay dhacdooyin amni-darro, kuwaasoo ugu dambeysay qaraxii xalay ka dhacay Baladxaawo, oo ay ku dhinteen shacab aan waxba galabsan.
Madaxweynuhu wuxuu cambaareeyay ciqaabta ay kooxda Xasan Sheekh saartay shacabka reer Jubaland, gaar ahaan gobolka Gedo, oo laga xanibay dulimaadka.
Ugu dambeyn, wuxuu ku baaqay in hoggaamiyayaasha dhaqanka, culimada, iyo bulshada Gedo ay ka qeyb qaataan horumarinta amniga iyo nabadgelyada deegaanka.