Wasaaradda tamarta iyo qayraadka biyaha Jubbaland oo Kulbiyow ka hirgalinaysa warbiyood aad uwayn

0
472

Wakaaladda Biyaha Jubbaland, oo kaashanaysa Wasaaradda Tamarta & Kheyraadka Biyaha Dowlada Jubaland, ayaa ka hirgelinaysa deegaanka Kulbiyow ee degmada Badhadhe War-biyood oo wax weyn ka tari doonta baahiyaha Biyaha ee Deegaanka.

War-biyoodkan oo si weyn uga faa’iideysan doonaan bulshada Deegaanka Kulbiyow, ayaa kusoo aadaya xilli roobaad, taasoo fursad u ah in uu noqdo keyd muhiim ah oo lagu xallinayo biyo yaraanta.