Ciidamada Booliska Jubaland oo bilaabay Howl-gallo lagu Bur-burinayo Dhismayaasha Sharci-darrada ah ee ku yaalla hareerah wadoyinka Kismaayo.

62

Ciidamada Booliska Jubaland ayaa bilaabay howl-gallo ay ku burburinayaan dhismayaasha sharci-darrada ah ee ku yaalla hareeraha laamiga magaalada Kismaayo.

Saraakiisha howlgalkan fuliyey ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid wax weyn ka taraysa sugidda ammaanka, iyadoo la sheegay in marka ay marayaan wadooyinka gawaaridu si ciriiri ah ku maraan, isla markaana ay dhici karto in kooxaha qaswadayaasha ay kaga faa’iidaystaan ciriiriga wadooyinka.

Sandaqaha ganacsiga, sida kuwa qaadka lagu iibiyo, ayaa ugu badnaa howl-galkii ay ciidamadu ku dhaqaaqeen.
Waxaa dadka mehradaha iska leh la faray in bartamaha magaalada ay ku ganacsadaan, kana fogaadaan hareeraha laamiga.
Ciidamada Booliska ayaa xilli kasta la arkaa iyagoo gawaari dul saaran oo gudaha magaalada ku roondeynaya, taasoo sare loogu qaadayo sugidda ammaanka.

situs gacor hari ini