
Ciidamada dowladda Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka ayaa xalay howgal qorsheysan ka fuliyay tuulooyin hoos yimaada magaalada Dhuubeyl ee gobolka Jubbada Hoose, iyagoo halkaasi ku dilay xubno sare oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta.
Howlgalkan ayaa lagu khaarajiyay xubno muhiim ah oo ka mid ah maleeshiyaadka Khawaarijta, halka kuwa kalena lagu soo qabtay noolasha.
Saraakiisha howgalka hogaaminayay ayaa sheegay in ay dileen dhowr xubnood oo uu ka mid yahay madaxii maleeshiyaadka u qaabilsan wax ay ugu yeeraan maaliyadda, ee ah baada dadka shacabka laga qaado, halka ciidanku ay gacanta ku hayaan ku xigeenkii wax ay ugu yeeraan maxkamadda beenaadka.
Taliye amniga degmada Dhobleey, Kornayl Maxamed Haybe, ayaa uga waramay Radio Kismaayo howlgalkan ay xalay fuliyeen.
Dhageyso