Saraakiisha Ciidanka Booliska Dowaladda Jubaland oo uu Horkacayo Hogaanka Qorshayaha iyo Tababarada Ahna Afhayeenka Booliska, Dhame Shukri Faarax Ducaale ayaa Gaaray Qaar ka Mid ah Deegaannada Xeebaha Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan Degmada Badhaadhe, Sida Madhawa, Kudhaa, Buurgaabo iyo Kulbiyoow.
Safarkan oo sidoo kale ay Qeyb ka ahaayeen Madaxa Maaliyada Booliska, Dhame Mukhtaar Cabdi Kaahin iyo Madaxa Xafiiska Ciidanka Booliska ee Gobolka Jubbada Hoose, Kabtan Cali Soomow Xuseen, ayaa daba socday booqasho uu bishii Diseembar ee sanadkii 2024 uu halkaasi ku tagay deegaanka Raas-kaambooni Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose, Col. Sadik Mohamud Dhogor, taasoo loogu kuurgalayay xaaladaha ammaan ee deegaannadaasi iyo baahiyaha ay qabaan Ciidamada Booliska ee goobahaasi ka hawlgala.
Saraakiishan ka tirsan Ciidanka Booliska ee gaaray deegaannada xeebaha ayaa gaarsiiyay agabyo ciidan oo kala duwan, iyadoo sidoo kale ay jiraan tababarro la siinayo Waaxda Baarista Dambiyada iyo sidii is-dhalanqoto dheer looga dhex abuuri lahaa Ciidanka Booliska iyo dadka deegaanka, maadaama ay Boolisku yihiin ciidanka bulshada ka dhex shaqeeya dhisme ciidan ahaan.