Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Jubbaland oo shir muhiim ah uu qabatay culimada degmada Kismayo.

20
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Jubbaland ayaa shir ballaaran oo muhiim ah uu qabatay culimada degmada Kismayo.
Shirkan ayaa lagaga hadlayay sidii Wasaaradda iyo culimada ay u wada shaqeyn lahaayeen, iyadoo diiradda la saarayo wacyigelinta bulshada iyo sidii loo horumarin lahaa arrimaha diinta iyo waxbarashada.
Intii uu kulanku socday waxaa lagu falanqeeyay dhowr qodob oo muhiim ah Waxaa ka mid ahaa ka hortagga fikradaha xagjirnimada taasoo looga golleeyahay in la sameeyo qorsheyaal lagu xakameynayo fikirada halista ah ee logo soo dhumanayyo bulshada dhanka diinta.
Waxaa sidoo kale lagu gorfay sidii loo diiwaan galin lahaa madarasadaha iyo inay noqdaan kuwo waafaqsan shuruucda iyo mabaadi’da diinta.
Sido kale waxa loga hadlay horumarinta waxbarashada diinta, taasoo muhiim u ah in dhalinyarada iyo bulshada guud ahaan ay helaan aqoon diimeed oo tayo leh.
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Jubbaland
Maxamed Yuusuf Cumar oo warbahinta laa hadlay ayaa ka warbixiyaay kulanka manta isagona Qodobada ay soo sareen uu Aqriyaay warbahinta.