Talyaaniga iyo Liibiya oo kala saxeexday heshiis shidaal oo ku kacaya $8 bilyan

397

Wakaaladda tamarta ee Talyaaniga ee Ani iyo shirkadda Shidaalka ee dalka Liibiya ayaa kala saxeexday heshiis ku kacaya illaa $8 bilyan oo ah soo saarista gaasta.

Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu khafiifiyo gaas yarida soo wajahday qaaradda Yurub, inkasta oo Liibiya ay ka jirto xaalad amni darro iyo weliba fawdo siyaasadeed.

Heshiiskaan ayaa waxaa laga yaabaa in ay kasoo horjeestaan dalal dhowr ah oo katirsan wadamada Khaliijka, kuwaas oo go’aankooda hadda ka baaraan degaya.