Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubaland oo Magacaabay Guddi ka shaqeyn doona Abaabulka iyo Isku-dubaridka Ciidanka Dowladda Jubaland ee Gobolka Gedo

31

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubaland oo Magacaabay Guddi ka shaqeyn doona Abaabulka iyo Isku-dubaridka Ciidanka Dowladda Jubaland ee Gobolka Gedo

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa magacaabay Guddi cusub oo ka shaqeyn doona abaabulka, diiwaangelinta, iyo isku dubaridka qeybaha kala duwan ee Ciidanka Dowladda Jubaland ee ku sugan Gobolka Gedo.

Tani waxay qeyb ka tahay dadaallada Dowladdu ugu jirto xoojinta difaaca gobolka iyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo la doonayo in si joogto ah loo taageero ciidamada si loo hubiyo amniga gobolka iyo guud ahaan Jubaland.

Guddigan ayaa noqon doona mid ka shaqeyn doona sidii loo diiwaangalin lahaa ciidamada Jubaland ee ku sugan Gobolka Gedo isla markaan ay u helilahyeen taageero, tababar, iyo qalab casri ah si ay u xoojiyaan awoodooda dagaal iyo u diyaar garowga la dagaalanka kooxaha Khawaarijta ee ku sugan deegaannadaas.

Magacaabista guddigan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo awoodda ciidanka iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo isku dubaridka qeybaha kala duwan ee ciidanka, gaar ahaan kuwa ku sugan Gobolka Gedo.