Ciidanka Daraawiishta Dowladda Jubbaland oo Fashiliyay Miinooyin Maleeshiyaadka khawaarijta dadka shacabka ah ku dhibaateeyn rabtay.

0
495

Ciidamada Daraawiishta dowladda Jubbaland iyo Ciidamada Danab ee qaybta Jubbaland oo is garabsanaya ayaa howlgallo ballaaran oo amni xaqiijin ah fuliyay.
Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan oo si taxadar leh loo fuliyay ayaa lagu soo saaray miinooyin dhowr ah oo ay kooxaha nabadiidka ah ku aaseen, tuulooyinka Barjalaa, Orgiyow, iyo tuulooyin kale oo ku yaal Jubbada Hoose.
Miinooyinkan oo ay argagixisadu waddooyinka ku aaseen, ayaa ujeedkoodu ahaa in ay ku dhibaateeyaan shacabka Jubbaland ee waddooyinkaasi isticmaala.