Wasiirka qorshaynta Jubbaland oo eedayn usoo jeediyay Dowladda Faderalka

25

“Ficilada gurracan ee Madaxda Dowladda Federaalka sida in Ciidankii Qaranka loo adeegsaday dagaalka siyaasadeed ee lagu soo qaaday Jubbaland, Xayiraadda Duulimaadyada Rayidka oo ah xaq Dastuuri ah oo ay leeyihiin Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo in Dhaqaalihii Dowladda loo adeegsanayo burburinta Hay’adaha Jubbaland waxay daliil cad u yihiin damaca Madaxda DFS ay ku doonayaan in doorasho boob ah laga qabto Dalka iyo in aysan rabin in wadahadal iyo is faham laga gaaro kala aragti duwanaanta Siyaasadeed.

 

Tallaabooyinkan oo dhan waxa ay god mugdi ah ku sii ridayaan Dowladnimada Soomaaliya, Waxaana looga hortegi karaa in ay baraarugaan Ummadda Soomaaliyeed oo ay ka tashadaan masiirka Dalka.”

WQ: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed.