Wasiirka Qorshaynta Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Jubbaland ugu baaqay in ay si nabad ah uga qayb galaan nidaamka Doorashada Jubaland.
“Anigoo qadarinaya cid walba oo Xukumadeenna ka aragti duwan, dooneysana kursiga Madaxtinimo, waxaan ku boorinayaa in ay uga qayb galaan nidaamka Doorashada iyagoo ilaalinayaa Nabad-galyada iyo Xasiloonida Bulshada ree Jubbaland” Cabdiraxmaan Cabdi Axmed, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland.