Ciidanka Booliska Jubaland oo Gubay 76 Duub oo Xashiish ah, Si Looga Hortago Faafinta Maandooriyaha

127

Ciidanka Booliska Dowlad Jubaland ee ka howlgala rugta Baarcaleen ee magaalada Kismaayo ayaa maanta gubay 76 duub oo xashiish ah oo lagu soo qabtay hawlgallo amni oo ay fuliyeen ciidamada ammaanka, gaar ahaan qaybta Booliiska ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka gubista xashiishka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wakiillo ka socday Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadda Darajada Koowaad ee degmada Kismaayo.

Qorshahan ayaa la doonayaa in lagu xakameeyo fiditaanka maandooriyahan, si loo damaanad qaado in bulshada deegaanka aysan ku dhacdo halista iyo saameynta xun ee ka dhalan karta isticmaalka xashiishka.

Gubista xashiishka ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Jubaland ee ku aaddan la-dagaallanka maandooriyaha, iyo sidii loo yareyn lahaa saameynta taban ee ay maandooriyahani ku yeelan karaan bulshada.

Arrintani waa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo amniga iyo ilaalinta caafimaadka bulshada, iyadoo ciidamada Booliska iyo hey’adaha kale ee ammaanka ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii loo joojin lahaa ku faafinta maandooriyahani.