Madaxweynaha Dowladda Jubaland oo kulan wadatashig ah Xarunta Madaxtooyada kula yeeshay Xildhibaanada labada Aqal ee BJFS ku matala Jubaland.

69
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan wadatashig ah Xarunta Madaxtooyada kula yeeshay Xildhibaanada labada Aqal ee BJFS ku matala Jubaland.
Xildhibaanada oo ku yimid martiqaadkii Madaxweynahu uu u fidiyay Xildhibaanada labada Aqal si wadatashi balaadhan looga yeesho xaalada guud ee siyaasada dalka ayaa wada latashiyada ay la yeelanayaan qeybaha Kala duwan ee Bulshada iyo hogaanka Dowladda Jubaland.