Jubbaland oo deeq raashiina gaarsiisay deegaanka Yurkud ee Gobalka Gedo .

0
573
Deegaanka Yurkud oo ay ku barakaceen dad danyara ayaa la gaarsiiyay deeq raashiina oo ka timid Madaxweynaha Dowladd gobaleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam
Deeqdan raashiinka ah ayaa isigu jirtay Bur, Bariis, Sokor, Saliid si loo gaarsiiyo dadka ku barakacey deegaanka Yurkud ee gobolka Gedo.
Qoysaskan deeqda la gaarsiiyay ayaa dhawaan ka barakacay degmada Luuq ee gobolka Gedo halkaas oo ay shaqaaqo ku dhexmartay beelo walaalo ah oo kamida kuwa dega degmadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here