
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay in uu noqdo Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha Dib u heshiisiinta, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow oo horay u ahaa Lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dastuurka,
Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow oo dalka kasoo qabtay mas’uuliyado kala duwan ayaa aqoon iyo waayo aragnimo u leh arrimaha dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed , taasi oo mudnaan gaar ah u leh dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna,
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tilmaamay muhiimadda ay dowladnimada Soomaaliya u leedahay dib u heshiisiinta ayaa kula dardaarmay Lataliyaha in uu ku biiriyo aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa, qorshaha qaran ee lagu gaarayo heshiis buuxa oo dhexmara Ummadda Soomaaliyeed,

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







