
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hogaaminayo.
Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada guud ee siyaasada dalka, bixitaanka Ciidamada ATMIS iyo qodobo kale.




