Soomaaliya oo maanta ICJ u gudbin doonto gunaanadka dacwada Badda

988

Maxkamadda Caddaalada aduunka ee ICJ ayaa  maanta dhagaysan doonta gunaanadka Dacwadda Badda ee Soomaaliya, taasi oo kala dhaxeysa dowladda Kenya.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guulleed ayaa sheegay in ay maanta maxkamdda ka horjeedin doonaan gunaanadka dhageysiga dacwadda ee Soomaaliya.

Qoraal uu soo saarey Mahdi Guulleed ayuu ku yiri “Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ayaa galabta 03:00pm xilliga Hague dhagaysanaysa gunaanadka Dacwadda Baddeena ee inagala dhaxaysa Kenya”.

Dhanka kale dowladda Kenya ayaa weli hortagin maxkamadda, kadib markii ay diiday in ay ka qeyb gasho dhageysiga dacwadda badda ee ka socota maxkamadda ICJ.

Maxkamadda ayaana sheegtay in ay ka xuntahay Kenya in ay ka maqnaato maxkamadda, balse waxay tilmaamtay in ay hayaan caddeymaha qoraalka ee dooda Kenya.