Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowladda ahna Kusmihama Madaxweynaha ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada XFS iyo xubno kale.

70

Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowladda Jubbaland ahna kusimaha Madaxweynaha mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada Jubbaland ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada XFS Mudane Axmed Maxamed Cumar iyo xubno kale oo kasocday Hay’adda GIZ oo si weyn ula shaqeysa Hay’adaha Dowladda.
Kulanka waxaa Madaxweyne kuxigeenka ku wehelinayay xubno kamida Wasiirada Jubbaland, Gudoomiyaha gobolka Jubada hoose, Xildhibaano iyo xubno kale oo muhiim ah.
Madaxweyne kuxigeenka labaad ahna kusimaha Madaxweynaha Dowladda Jubbaland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay deegaanada Jubbaland ay kasocdaan mashaaric muhiim ah isaga oo sheegay in iyaga ay masuuliyad ka saarantahay amniga goob walba oo ay Hay’adaha caalamiga ah doonayaan in ay wax ka qabtaan.