Aqalka Sare oo ka doodi doona sharciga doorashooyinka oo muran badan dhaliyay

1005

Mudanayaasha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la horgeynayaa sharciga doorashooyinka Qaranka kaasi oo ay marsiinayaan aqrinta koowaad.

Laba todobaad ka hor ayaa Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi sharciga doorashooyinka Qaranka u magacaabay guddi senatorro ah oo ka koobnaa Todoba xubnood, kuwaas oo diyaarinaya sharcigaan isla markaana isku daba ridaya aragti waliba oo ay ka dhiibtaan senatorada.
Xildhibaanada ayaa sidoo kale dood adag ka lahaa maalmihii lasoo dhaafay Sharciga doorashooyinka ee ay soo diyaariyeen Guddiga baarlamaanka.

Xildhibaananada Golaha Aqalka Sare ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan