Kullanka suaalo waydiinta dadweynaha iyo masuuliyiinta oo maanta afmadow ka furmey

202
Waxaa maanta degmada Afmadow ka furmay madasha dadwaynaha iyo maamulka dowladda hoose, kaas oo ah isla xisaabtan dhab ah, isla markaasina ah dood is-waydaarsi fool ka fool ah
Kulanka ayaa waxa ka soo qayb galay madaxda dowladda hoose, masuuliyiin ka socotay hay’adaha maxalliga ah ee ka hawl gala degmada, ururada bulshada qaybaheeda kala duwan iyo Marti sharaf kale
Kulankan oo ah dood is-waydaarsi fool ka fool ah, ayaa diiradda lagu saarayaa waxyaabihii u qabsoomay maamulka dowladda hoose mudadii uu jiray, iyo wixi mashaariic ay markaasi fuliyeen, iyadoona cadaymo itus itaabsii lagula xisaabtamayo.