Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland ayaa tababar muddo 45 cisho ah socday usoo xiray qaar ka mid ah gabdhaha Hooyada iyo Dhalaanka ee Marwo

66
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jubbaland mudane Abshir Maxamed Cabdi ayaa tababar muddo 45 cisho ah socday usoo xiray qaar ka mid ah gabdhaha ka shaqeeya Barnaamijka Daryeelka Hooyada iyo Dhalaanka ee Marwo Caafimaad kaas oo intii uu socday hablaha ka faa’idaystay lagu siiyay casharo heer sare ah oo sare loogu qaadaayay aqoontooda caafimaadka.
187 Gabdhood oo ka tirsan shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland ayaa ka faa’iideystay tababarka lagu hormaninayo aqoonta gabdhaha ka shaqeeya Barnaamijka Marwo Caafimaad.