Madaxweynaha Dowladda Jubbaland ayaa u hambalyeeyey Ciidamada geesiyaasha ah ee dowladda Jubbaland oo maanta la wareegay deegaanka Buuloxaaji

37
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa u hambalyeeyey Ciidamada geesiyaasha ah ee dowladda Jubbaland oo maanta la wareegay deegaanka Buuloxaaji oo qiyaastii 90km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowladda Jubbaland.
“Waxaan Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ciidamada geesiyadda ah ee Jubaland iyo xooga dalka oo maanta guulo muhiim ah ka gaaray howlgalka deegaanada Jubaland lagaga cirib tirayo Khawaariijta oo maanta si rasmi ah u bilowday.
Ciidamada ayaa la wareegay deegaanka BuuloXaaji ee Degmada Badhaadhe halkaas oo si nabad ah ciidamadu ay ku tageen kadib markii ay iskaga carareen Khawaariijta.
Waxaan ku rajo weynahay in maalmaha soo socda ay xoroobi doonaan deegaano iyo degmooyin kala duwan isla markana shacabka deegaanadaas ku nool ay gaari doonaan adeegyada Dowladda.”