Dhageyso:Olole balaadhan oo lagu nadiifinaayo xeebaha magaalada Kismaayo oo bilowdey

288

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Jubbaland ayaa maanta bilowday Olole balaadhan oo lagu nadiifinaayo xeebaha magaalada Kismaayo kaas oo horudhac u ah maalinta deegaaanka aduunka oo ku beegan 5 Juun 2024

Ololahaan maanta lagu nadiifinayey xeebaha degmada Kismaayo ayaa waxaa ka soo qayb galay maamulka degmada Kismayo,Maamulka Gobolka,Ururada Bulshada iyo waliba Madaxda Wasaaaradda deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada oo ugu horeeyo wasiirka,Wasiir kuxigeenka,Agaasimaha iyo waliba shaqaalaha wasaradda deegaanka.

Gudoomiye kuxigeenka arimaha bulshada ee degmada Kismaayo Najiib Bare Salaad iyo Gudoomiyaha gobolka Jubadda hoose Xassan Cabdi Guuleed ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay ololaha nadaafadeed ee maanta qabatay wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Jubbaland.

Wasiirka Wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Jubbaland Caydiid Saleebaan Xaaashi oo maanta goob joog ka ahaa ololaha nadiifiinta xeebaha degmada Kismaayo ayaa ku dheeraday muhiimada ay bulshada iyo deegaanka-ba u leedahay in la helo xeebo aan qashin oolin oo nadiifa.