Dhageyso: Wasaaradda Amniga Jubbaland oo sheegtay in haweenka Jubbaland ay laf dhabar u yihiin amniga iyo hormarinta deegaanada Jubbaland.

87

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Adan Axmed Xaaji oo ka hadlay munaasabad ay haweenka isugu yimaadeen ayaa sheegay in wasaaradda aminga ay xoogga saartay in la helo saraakiil da’yar oo haween ah ku waas oo haatan si wacan ugu adeega bulshada si weyna howlagalada uga dhax muuqda.Wasiir ku xigeenka ayaa intaasi ku daray in haweenka ay diinteenna suubban siisay xuquuq aan wax loo dhigo laheyn oo cid kale aysan heysan, muhiimnna ay tahay in la ilaaliyo.Haweenka ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan howlagallada ka dhanka Al-shabaab ee dhawaan billaaban doona, isagoo u soo jeediyey haweenka in ay tagaan jiidaha hore ee daggaalka.