Munaasabad xil wareejin ayaa maanta ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Jubbaland.

91
Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay isla markaana xil wareejin ahayd ayaa maanta ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Jubbaland.
Xafladda ayaa waxaa xilka kula wareegayay agaasimaha cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland Mudane Abdiwaahid Maxamed Dhaqane, waxaana xilka agaasimaha Wasaaradda wareejinayay Agaasimhii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland Mudane Nuur Cumar Shalle.
Munaasabadda ayaa waxaa Goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Gudiga Shaqada iyo shaqaalaha Jubbaland Siyaad Ibraahim Maxamed, Xilldhibaan Shire Cabdi Maxamed, qaabka fogaan araga ayaa waxaa Munaasabadda uga qayb galay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland Mudane Maxamed Ibraahim Oogle iyo Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Arrimaha Jubbaland Cabdiwaaxid Maxamed Dhaqane
Maxamed Ibraahim Oogle Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa Agaasimihii hore Wasaaradda Mudane Nuur Cumar Shaalle ku amanay shaqada baaxadda lahayd ee uu Wasaaradda u hayay mudadii uu joogay, Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda ayuu sidoo kale Alle uga baryay inuu masuuliyadd u fududeeyo.