Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda socdaalka oo ka qeyb galay shir looga hadlayay Aqoonsiga Dijitaalka ah

87

Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa uga qayb galay magaalada Mombasa ee dalka Kenya shir socday muddo labo maalmood ah oo ku saabsanaa Aqoonsiga Dijitaalka ah iyo Isku socodka gobolka (Digital Legal Identity and Regional mobility).

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Socdaalka Adduunka Qaramada Midoobe ee IOM ayaa waxaa kasoo qayb galay ilaa 52 qofood oo ka kala socday 14 dowladood, Iyadoo si qota dheer looga wada hadlay habka ay Wadamada qaaradda Afrika ku yeelan lahaayeen Aqoonsi Sharci ah ee oniline-ka ah Isla markaana si wadajir isaga kaashanlahaayeen hirgelintiisa.

Aqoonsi sharciga ah ee dijitaalka ayaa ah hab ay dowladaha iyo laamaha Socdaalka ee dunida si fudud ugu hubin karaan dokimintiyada aqoonsiga ay sitaan musaafiriinta, dokomintigaas oo noqon kara mid keydsan ama muuqda, kaas oo xambaarsan macluumaad gaarka ah ee qofka.