Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay munaasanad Xalinta Khilaafaadka Dowladda

85
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo dib u hishiisiinta Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabatay munaasanad lagu soo bandhiyay laguna ansixinayay dukumentiga Istiraatiijiyadda Xalinta Khilaafaadka Dowladda Jubbaland.
Dukumentiga Istiraatiijiyadda Xalinta Khilaafaadka Dowlada Jubbaland ayaa laga Shaqeenayay nidaam cilmi baaris ah muddo dhan labo bilood waxaana fikirkooda iyo sida ugu haboon ee loo xalin karo Xalinta Khilaadka ka dhiibtay muwaadiniin gaaraya 672 qof oo ku kala nool lix kamida degmooyinka
Jubbaland.
Dukumentiga ayaana maanta waxaa loo soo bandhigayay Qaybaha kala duwan ee Bulshada Reer Jubbaland kuwaas oo sheegay in Wasaaradda Arimaha gudaha ay qabatay howl culus oo baaxad weyn leh.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo dib u hishiisiinta Jubbaland mudane Nuur Cumar Shalle oo madasha goob joog ahaa ayaa xusay in muhiimad gaar ah ay leedahay in mar waliba laga shaqeeyo Xalinta Khilaafaadka.
Barnaamijka waxaa fududeeyay islamarkaana door ka ciyaaray Prof. Cabdinaasir Cali Cismaan.
Mashruucaan waxaa Wasaaradda Arimaha Gudaha Jubbaland ka caawinaya sanduuqa Xasillinta Soomaaliya III, Somalia Stability Fund III, oo ay maamusho Adam Smith International.
+19