Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS oo ansixiyay Hindise sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka

395

Xildhibaanada Golaha shacabka BFS oo kulan  kuleh Xarunta Villa Hargeysa yaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Hindise sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka NISA oo maalmihii la soo dhaafay goluhu ka doodayay.

144 xildhibaan ayaa haa u codeysay, sedax ayaa ka aamustay, hal xildhibaane waa diidyay.

Xildhibannada ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay ansixiyaan  Hindise Sharciyeedka Korantada oo isna ay xildhibaandu maanta Akhrinta 3-aad ay marsiinayaan,kadibna la filayo in ay cod u qaadaan.