Dhageyso:Ciidanka ATMIS oo ka baxaya Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo

96

Ciidamada Atmis ee ka socda dalka Kenya ayaa maalmaha soo socda ka baxaya degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo sida uu radio Kismaayo u xaqiijiyey Gudoomiyaha degmada Ibraahim Guuleed
Maalmihii ugu danbeeyey waxaa degmada Ceelwaaq ku sugnaa wafti balaadhan oo uu hogaaminaayey Madaxwayne ku xigeenka kowaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Adan.
Qaar ka mida Golaha wasiiradda Jubbaland iyo waliba xildhibaanada federaalka ee laga soo doorto gobolka Gedo
Ujeedda Safarka madaxwayne kuxigeenka iyo Masuuliyiinta kale ee gobolka Gedo ayaa ah sidii ciidamada Daraawishta ee Jubbaland ula wareegi-lahaayeen Amniga guud ee degmada Ceelwaaq.