Ciidanka xooga dalka oo la wareegay deegaanka Ceelbaraf

1491

Ciidamada howlgalka midowga Afrika ee ATMIS iyo kuwo dowladda Soomaaliya ayaa dib ula wareegay degaanka Ceelbaraf oo hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo laba todobaad ka hor ay la wareegeen Al-Shabaab.
Ka hor la wareegitaanka degaanka Ceelbaraf Ciidamada huwanta ah ayaa waxaa jirtay in ay madaafiic ku duqeeyeen degaanka, waxaana diyaaradaha kuwa Qumaatiga u kaca ee Helacopter-ka ay ku dageen Xerada Ciidamada ATMIS ee degaanka Ceelbaraf, iyaga oo aan wax iska caabin ah la kulmin.
Dadka degaanka Ceelbaraf ayaa ku waramaya in Ciidamada Millateriga Soomaaliya oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan kana yimid dhinaca degaanka Miirtuugo ay iyana soo galeen degaanka Ceelbaraf ka dib markii ay isaga baxeen maleeshiyaadka Al-Sbabaab.
Maalmihii la soo dhaafay xaalad cakirnaan ah ayaa ka jirtay degaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana goor hore isaga barakacay badi dadkii deganaa oo ka cararay duqeymaha Ciidamada ATMIS iyo in dushooda lagu dagaalamo.