Mid kamid ah khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Dowladda

118

Ibraahim Cali Maxamed oo magaciisa afgarashada khawaarijta uu yahay ( Baariyow ) ayaa manta isku Soo Dhiibey Taliska Guutada 8-aad Ee Qeybta 60-aad CXDS Ee Magaalada baydhabo.

ibraahim ayaa Tababaro kala Duwan kusoo Qaatey Gobalada Baay iyo Jubbada Dhaxe , waxa uuna sheegay inuu argagexisada uu Kaga Biirey Degmada Ufurow Ee Gobalka Baay.
sidoo kale Ibraahim ayaa sheegay in sababta khawaarijta uu uga soo baxay ay tahay dhibaatao lixaad leh iyo duruufo nololeed oo dhexdooda ka jirta , waxa uuna Saxibadisa Duurka kula jira rafaadka nololeed u diray in ay isku Soo Dhiibaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed si ay u helaan nolo dhaanta tan ay maanta ku jiraan iyo mustaqabal hagaagsan .