Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland yaa maanta deeq Raashiin ah guddoonsiisay boqol oo qoys

96
Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland oo gudaneysa waajibaadkeeda shaqo ee joogtada ah ayaa maanta deeq Raashiin ah guddoonsiisay barakacayaal kala duwan.
Qoysaskan deeqda Raashiinka ah loo qeybiyay oo gaaraya afar boqol oo qoys ayaa isugu jiray dad danyar ah iyo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba.
Deeqdan oo ay bixisay Hay’adda Gift of the Givers oo ah hay’ad ka shaqeysa u gargaaridda dadka danyarta ah, ayaa waxaa ka mahadceliyay dadkii ka faa’iideystay oo ahaa dad danyar ah oo deeqda si wayn ugu baahnaa, iyagoona u mahadceliyay Hay’adda Gift of the Givers oo deeqdan soo gaarsiisay iyo hay’adda JUCRI oo qaybinta iyo soo xulidda dadkan waqti badan ku bixiyay.
Ka faa’iideystayaashan danyarta iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba isugu jira ayaa laga soo kala xulay kaamamka Barakacayaasha ee gudaha magaalada Kismaayo, iyadoo deeqdan loogu qaybiyay goob magaalada dhexdeeda ah oo ay hay’addu u qorsheysay howshan baaxadda wayn.