Soomaaliya ayaa Iran uga tacsiyeysay geerida Madaxweynihii Iran oo shil diyaaradeed ku geeriyooday

97

-Dowladda Soomaliya ayaa Dowladda Dalka Iran uga tacsiyeysay Madaxweynihii Dalka Iran Ibraahim Ra’iisi oo shalay ku geeriyooday Shil diyaaradeed oo ka dhacay gobolka azarbijaan,sidoo kale Shilka ayaa waxa ku geeriyooday Wasiirkii Arrimaha Dibedda,xeer ilaaliyihii guud iyo guddoomiyeyaal Gobol.

Shilkan ayaa dhacay xili Madaxweynaha Iran ka soo laabtau Safar uu ku soo dhagax dhigayey mashruuc Biyo xidheen oo laga hirgelinayo Azarbijaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale Shacabka Dalka Iran uga tacsiyeysay geerida Madaxweyne Ibraahim Ra’iisi.