Ciidanka nabad sugida Jubbaland iyo kuwa xooga dalka ee Danab oo Gacanta ku dhigay hub iyo Ragii watay

596

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugida Jubbaland, iyo Ururka 5aad, Guutada 16aad ee Kumaandooska DANAB  ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyey deegaanada Beerxaani, Qudus, Dharkeyn Urur, yaaq dabayl iyo Barjalla ee gobolka Jubbada hoose.

Howlgalkan oo ahaa mid ka dhan ah nabad diidka Al-Sbabaab ayaa saraakiisha hoggaamineysay ay sheegeen in lagu burburiyay taliskii qaraxyada ee deegaanadaas ay ku lahayeen kooxda gabalkoodu sii dhacayo ee Al-Shabaab, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen maadooyinkii ay u isticmaalayeen sameynta qaraxyada, miinooyin isugu jira kuwa dhulka la galiyo iyo kuwa dhajiska ee lagu xiro baabuurta iyo guryaha.

Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay sheegeen in howlgalka kudileen laba Xubnood oo katirsan Nabad diidka Al-Shabaab, Isla markaana sidoo kale lagu qabtay Afar Xubnood oo katirsan Al-Shabaab, kuwaas oo aruurinayey lacagaha ay Al-Shabaab ugu yeeraan sakawaadka, Hub iyo Gaari ay doonayeen inay u adeegsadaan Qarax ismiidaamin ah.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Ciidanka DANAB iyo kuwa Jubbaland waxaa ay kordhiyeen howlgallada ay ka fulinayaan degaannada Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo mararka qaar ay dadka shacabka ah ku dhibaateeyaan nabad diidka Alshabaab.