DEG DEG :Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa eedeysane Sayid-Cali Macalin Daa’uud ku xukuntay dil toogasho ah.

87

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa goordhow ku dhawaaqday xukunka Sayid Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed oo u geeriyootay dabkaasi.

Maxkamadda oo kiiskan ka yeelatay saddex fadhi oo kala duwan ayaa ayiday xukunka maxkamadda darajada koowaad ee gobolka, waxayna ku xukuntay dil toogasho ah, sida uu caddeeyay guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Mudane Saciid Cali Maxamed.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in Maxkamadda Racfaanka ay raacday xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Banaadir oo horay dil ugu soo xukuntay Sayid-Cali Macallin Daa’uud.
Inta ay socotay Maxkamadeynta ninkan oo muddo dheer qaadatay ayaa la keenay marqaatiyeyaal iyo dhaqaatiirta isbitaallada la geeyay Luul, kahor inta aysan geeriyoon, kuwaas oo xog ka bixiyay kiiskan xasaasiga ah.

Sayid-Cali ayaa haatan haysata fursad kale oo uu ku qaadan karo Racfaan, kuna aadi karo Maxkamadda Sare oo iyadu leh go’aanka ugu dambeeya, taas oo sii dheereyn karta kiiska.

Ehellada labada dhinac ayaa sidoomale goojoog ahaa ku dhowaaqista go’aankan sida Aabe Cabdicasiis oo muddo dheer dalbanayay cadaalad iyo in loo qisaaso Sayid-Cali Macallin oo mar kale ay maanta dil ku xukuntay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir.