Ciidamada Jubbaland iyo Kumaandooska Danab oo Hawlgallo Guul leh ka Fuliyay Jubada Hoose

0
322
Ciidamada Geesiyaasha ee Dowlada Jubbaland oo ay weheliyaan cutubyo ka tirsan Kumaandooska Danab ayaa hawlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose, kuwaas oo lagu burburiyay xarumo ay lahaayeen kooxaha Khawaarijta.
Howlgalka oo si taxadar leh loo fuliyay ayaa ka dhacay deegaannada Orgiyow, Barjala, iyo Caglibaax, kuwaas oo muddooyinkii dambe ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen.
Intii uu socday hawlgalka, ciidamada ayaa burburiyay miinooyin halis ahaa oo Khawaarijtu ku aaseen deegaannadaas, kuwaas oo halis ku ahaa nolosha dadka shacabka ah.

Intaa waxaa dheer, ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ah xubnaha dhagarqabayaasha ah ee kooxda Khawaarijta, kaas oo door muhiim ah ku lahaa abaabulka falalka argagixisanimo ee ka dhaca Deegaanadaas.
Hawlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee ciidamada Jubbaland iyo kuwa saaxiibada la ah ay ugu jiraan ka sifeynta Deegaanada Jubbaland khataraha Khawaarijta iyo Amni darada mararka qaar ay u geystaan shacabka.
Maalmihii u dambeeyay, ciidamada ayaa si isdaba joog ah uga waday gobolka hawlgallo lagu ciribtirayo Khawaarijta, iyadoo laga sameeyay howlgalka degmooyin iyo tuulooyin dhowr ah si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo ammaanka guud ee shacabka.