Ilaa iyo sagaal dhagar qabe oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa lagu dilay ku dhowaad 10-kalana waa lagu dhaawacay labo hawlgal oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamka, kuwaas oo ka kala dhacay gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe,
Hawlgalka koowaad oo lagu dilay ilaa iyo afar maleeshiyaad ah ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday gaari nooca dagaalka ah iyo gaari booyad ah oo maleeshiyaadka Khawaarijta ay wateen , kaasi oo marayay hawdka deegaanka Cali Heelle oo ku yaalla xadka labadaan gobol,
Hawlgalka labaad ayaa lagu khaarajiyay shan ka tirsan Khawaarijta oo lagu beegsaday fariisin ay lahaayeen cadowga, kaas oo ka dhacay deegaanka Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud,
Hawlgalladan oo ahaa kuwo aad loo qorsheeyay ayaa sidoo kale waxaa lagu burburiyay gaadiid iyo saanado ciidan oo ay Khawaarijtu lahaayeen.
Dowladda Soomaaliya oo si weyn ula socota dhaqdhaqaaqa iyo isku dayada cadowga ayaa waxaa ka go’an in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta, iyadoo ciidamada qaranka ay guulo ka soo hooyeen hawlgalladii ugu danbeeyay,