Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo soo lagu soo dhoweyey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade,

226
Madaxweynaha Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweyey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka,
Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Qeybaha Kala Duwan Bulshada ayaa Wafdiga Madaxweynaha kuso dhoweyey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho,
Socdaalka Madaxweyne Laftagareen ayaa ah ka qeybgalka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu Wado inuu ka furmo Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.