Jubbaland 2,662 qoys oo deeeq raashiin ah la gaarsiiyay

103
Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland ayaa deeeq raashiin ah u qaybisay 2,662 qoys oo ah dadka gudaha magaalada Kismaayo ku barakacay.
Raashiinkan oo ahaa Qamadi ay ku deeqday Dowladda Ruushka ayay Hay’adda usoo xushay dadkii danyarta ahaa ee ay xaaladoodu adkayd.
Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland ee magaceeda loosoo gaabiyo JUCRI ayaa ah wakiilka dowladda ee Barakacayaasha iyadoo har iyo habeen isku howsha sidii ay xuquuqdooda iyo baahiyahooda xal ugu raadin lahayd