Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Duqa Muqdisho oo ka wada hadlay dhismaha golayaasha dowladdaha hoose

55

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Cali Yuusuf Cali – Xoosh ayaa maanta booqday xarunta Aqalka dowladda hoose ee Xamar isaga oo kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Yusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Gobolka Banaadir, fulinta qorshayaasha hortabinta u leh labada dhinac iyo sidii la isaga kaashan lahaa horumarka iyo dhismaha golayaasha dowladdaha hoose.