Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta dowladda Jubbaland ayaa xarigga ka jaray Masjidka Muscab Ibnu Cumayr oo laga hurgaliyay xaafadda Faanoole.

327
Gray white simple modern Thesis Defense Presentation - 1

Masaajidkan ayaa waxaa hirgalintiisa qayb ka qaadatay Mu’asasada Alkhayraat iyadoo ay dhaqaalaha hirgalintiisana ku tabarucday Haweeyo Xirsi Xasan oo ah hooyo Soomaaliyeed oo dalka dibadiisa ku nool.

Dhismahan masjidka ayaana si qurux badan oo casri ah loo hirgaliyay iyada oo uu dhismahiisa qaatay muddo sanad iyo dheeraad, saddex Fasal oo madarso ah iyo qayb barxad ah oo dabaq suge ah ayuuna masjidku leeyahay kuwaas oo ka qayb qaadanaya marka salaadaha laga yimaado howlaha diimeed oo ay ugu horrayso in uu soo saaro jiil cilmi xakbaarsan.

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa kasoo qyan galay culimo kala duwan iyo marti sharaf munaasabadda lagu maamuusay.

Qaar kamid ah culimadii xafladda kasoo qayb gashay ayaa u duceeyay Haweeyo Xirsi Xasan oo la iladaran xanuun muddo dheer hayay.

Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac.
Gudoomiyaha Mu’asasada Alkheyraat ayaa dhankiisa ka hadlay marxaladihii uu Dhismaha masjidkan soo maray iyo maanta munaasabadda ay u joogaan qiimaha ay ugu fadhido. Waxaa uuna u duceeyay dhinacyadii ka qayb qaatay.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta dowladda Jubbaland Maxamed Yuusuf Cumar oo masaajidka daah furay ayaa tilmaamay ka wasaarad ahaan sida ay muhiimka ugu tahay in masaajiddo casri ah oo umadda anfaca la hurgaliyo.