Dhageyso:Shacabka Magaalada Kismaayo oo Dowlada Jubbaland uga mahad celiyay dhismaha wadooyinka .

369

Wadooyinka Cusub ee dhawaan laga hirgaliyey gudaha magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay soo kordhiyeen Faa’iidooyin dhowr ah oo ugu horayso koboc ganacsi iyo sku socodka gudaha magaalada oo siwayn u fududaaday.

Wadada xidhiidhisa dhagax Jabinta ilaa Hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo oo ah waddooyinka ugu horeeyey oo laami noqda waxii ka danbeeyey burburkii dowlladi dhexe ee Soomaaliya ayaa soo jiidatay goobo ganacsi oo badan oo laga fuaraayo wadda hareeraheeda iyo Kaalimo Shidaal oo hor leh.

Maxamed Cumar Ahmed oo ka mida Ganacsatada magaalada Kismaayo ayaa sharxayaa waxyaabaha dhinaca ganacsiga ah ee soo kordhay markii ladhisay wadooyinka laamiga ah
Wadooyinka cusub ee laamiga ah dadka sida maalinlaha u adeegsda waxaa ka mida Tawane Macalin yare oo ah darawal ku shaqaysta gaadhi Taksiya,Waxaa uu sharxayaa inta aan la dhisin wadooyinka Laamiga ah caqabadaha dhinaca isku socodka gudaha magaalada ee meesha ka baxay.