
Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis,
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga faca-weyn ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Ingiriiska.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Ingiriiska uga mahadceliyay taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo is garab taagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo midnimada dhuleed iyo shacab ee Soomaaliya,

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







